Nairobi (KAAB TV) – Dadaal wadajir ah oo lagu xoojinayo ammaanka gobollada soohdinta la leh Soomaaliya, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, waxa uu kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Garissa, Wajeer, iyo Mandheera. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa ammaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa khatarta joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab.
Wasiir Ducaale ayaa soo hadal qaaday horumarka baaxadda leh ee dhanka amniga ee ka jira gobolladan, isagoo sheegay in horumarkaas uu ku yimid wadashaqeynta maamulada degmooyinka, shacabka iyo hay’adaha amniga. “Isbedal weyn ayaa ka jira muuqaalka ammaanka ee Gaarisa, Wajeer, iyo Mandheera,” ayuu yiri Ducaale. “Horumarkani waa natiijada dadaallada la isku dubariday ee maamulada, shacabka, iyo ciidamadeena amniga.”
Ducaale ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo marar badan mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay gobolka. Waxa uu sheegay in ciidamada amaanka lagu amray in ay xoojiyaan howlgalada si ay uga hortagaan weeraro kale,islamarkaana loo sugo amaanka dadka deegaanka.
Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo ay kaga hortagayso khatarta Al-Shabaab, waxaana ka mid ah qabashada dhowr qof oo ajaaniib ah oo doonayay inay u soo gudbaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Xarigan ayaa laga helay xogo sirdoon oo qiimo badan, iyadoo dadka qaarkiis ay shaaciyeen haybtooda, sawiradooda iyo dalalka ay u dhasheen.
Guddoomiyeyaasha Garissa, Wajeer, iyo Mandheera ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda ajendaha amniga qaranka iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si ay u ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida gobolladooda.
Kulankani waxa uu hoosta ka xariiqayaa habka firfircoon ee Kenya ee ku aaddan sugidda xuduudaheeda iyo la dagaallanka argagixisada.
Tallaabooyinka amniga ee la xoojiyay ee gobolladan soohdinta ah ayaa la filayaa in aanay kaliya ilaalin bulshooyinka deegaanka balse ay sidoo kale gacan ka geystaan xasilloonida iyo ammaanka Geeska Afrika.

