Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa markii shanaad ku guulaysatay doorashada Aqalka Wakiillada Maraykanka, iyada oo mar kale hanatay kursiga degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay tan iyo sannadkii 2018 ku metelaysay xisbiga Dimuqraadiga.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan garabka horumarka doonka ah ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa doorashada kaga guulaysatay musharraxa Jamhuuriga John Nagel, iyada oo sida uu saadaaliyay telefishanka CBS News ay mar kale xaqiijisay taageerada ay ku leedahay magaalada Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran.
Guusha Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah natiijooyinka doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka, taas oo xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuurigu ku tartameen kuraasta Aqalka Wakiillada, Aqalka Senate-ka iyo maamul-goboleedyada dalkaas.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa doorashadan ka sameeyey guulo waaweyn, isaga oo ku guulaystay aqlabiyadda labada aqal ee Koongaress-ka, Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka, taas oo wax ka beddelaysa awood-qaybsiga siyaasadeed ee Washington, isla markaana siinaysa fursad uu ku xakameeyo ajandayaasha sharci-dejineed ee Madaxweyne Donald Trump. Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga ayaa isaguna difaacday kuraas ka mid ah kuwii uu hore u haystay, inkasta oo natiijada guud ay u noqotay dib-u-dhac siyaasadeed.
Natiijooyinkan ayaa imanaya xilli doorashadu ahayd imtixaan siyaasadeed oo lagu qiimaynayey taageerada shacabka Maraykanku u hayaan maamulka Madaxweyne Trump, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha, sicir-bararka, siyaasadda dibadda iyo hannaanka maamulka dalka.
Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale doorashadan gashay iyada oo wajahaysa baadhitaan federaal ah oo la xidhiidha xogta socdaalkeeda iyo muwaadinnimadeeda. Waxay beenisay eedeymaha, waxaanay baadhitaanka ku tilmaantay mid siyaasad ku salaysan. Arrintani se kama hor istaagin inay mar kale ku guulaysato kursigeeda.
Ilhaan Cumar ayaa dib ugu laabanaysa Koongress-ka Maraykanka muddo-xileedkeedii shanaad, iyada oo taariikhda siyaasadda dalkaas gashay sannadkii 2018, markii ay noqotay haweenaydii ugu horraysay ee Soomaali-Maraykan ah ee loo doorto Aqalka Wakiillada, sidoo kalena ka mid noqotay Muslimiintii ugu horraysay ee ka mid noqda sharci-dejinta federaalka Maraykanka.

