MUQDISHO (Kaab TV) –Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa Soomaaliya ugu baaqday inay xoojiso nidaamka maaliyadeed ee lagu maareeyo dakhliga shidaalka iyo gaaska, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo kororka howlaha sahminta shidaalka ee la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadka 2026.
Talooyinka IMF ayaa ku yimid warbixin farsamo oo ay hay’addu soo saartay, xilli ay sii kordhayaan xiisaha maalgashadayaasha caalamiga ah iyo rajada laga qabo khayraadka shidaalka ee ku jira xeebaha Soomaaliya.
Warbixinta ayaa Soomaaliya ku tilmaantay mid ka mid ah meelaha ugu yar ee dunida laga sahmiyay shidaalka iyo gaaska, iyadoo sheegtay in xogaha cusub ee sahminta dhulka hoostiisa ay dib u soo nooleeyeen rajada laga qabo kayd shidaal oo ballaaran.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa IMF kala shaqeynaya sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo awood u leh inuu isku dheellitiro soo jiidashada maalgashiga iyo ilaalinta danaha dhaqaale ee dowladda.
Hay’addu waxay tilmaantay inay jiraan farqi iyo is-waafajin la’aan u dhexeysa heshiisyadii hore ee wadaagga wax-soo-saarka shidaalka iyo sharciyada cusub ee lagu maamulayo khayraadka dabiiciga ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, qaar ka mid ah heshiisyadii hore ayaa siinaya shirkadaha maalgashadayaasha ah shuruudo ka roon kuwa ku xusan sharciga cusub, oo ay ku jiraan canshuur-dhaafyo iyo fursado ballaaran oo lagu soo ceshan karo kharashaadka, arrintaas oo yareyn karta dakhliga dowladda mustaqbalka.
Si kastaba ha ahaatee, IMF ayaa sheegtay in nidaamka guud ee canshuuraha iyo dakhliga shidaalka ee Soomaaliya uu weli yahay mid tartan kula jira dalalka kale ee soo koraya ee soo saaraya shidaalka.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac la xiriira wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo hay’adaha qaabilsan maamulka canshuuraha.
IMF ayaa ku talisay in si cad loo qeexo mas’uuliyadaha hay’adaha ku lugta leh maamulka dakhliga shidaalka, iyadoo ka digtay in isku-duwid la’aantu ay horseedi karto hufnaan darro iyo khasaaro ku yimaada dakhliga dowladda.
Hay’addu waxay soo jeedisay in la dhiso guddi heer wasiirro ah oo isku dubbarida siyaasadda shidaalka, nidaamka canshuuraha iyo hirgelinta heshiisyada.
Sidoo kale, IMF ayaa ku boorrisay dowladda Soomaaliya in heshiisyada shidaalka ee mustaqbalka lagu saleeyo sharciyada qaranka, isla markaana lagu bixiyo hannaan hufan oo tartan furan ku dhisan.
Warbixintu waxay xustay in dib-u-habeyntan ay muhiim u tahay Soomaaliya xilli ay wajahayo marxalad muhiim ah oo la xiriirta horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

