Israa’iil oo sheegtay in ay Somaliland la yeelanayso iskaashi amni, dhaqaale iyo tiknoolajiyadeed

|

Hargeysa (Kaab TV)-Danjiraha ay Israa’iil dhawaan u magacawday Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu si degdeg ah ugu sii fidayo dhinacyo badan oo ay kamid yihiin amniga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo ganacsiga.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iiliga ah ee N12, Lotem waxa uu sheegay in Somaliland ay muujisay rabitaan xooggan oo ku aaddan inay sii qoto dheereyso wada shaqaynta ay la leedahay Israa’iil.

“Waxay doonayaan inay xoojiyaan iskaashiga ku dhowaad dhammaan dhinacyada — laga bilaabo tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa tiknoolajiyadda, waxbarashada iyo isgaadhsiinta,” ayuu yidhi Lotem.

Diblomaasigan ayaa xusay in wada hadallada amnigu qayb ka yihiin xidhiidhka labada dhinac, balse uu jiro iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka ballaadhan arrimaha amniga oo keliya.

Lotem, oo hore u ahaa safiirka Israa’iil u qaabilsanaa Kenya, Uganda, Tanzania, Malawi iyo Seychelles, ayaa hadda loo magacaabay safiirka aan deggenayn ee Israa’iil u qaabilsan Somaliland. Waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo Israa’iil ku doonayso inay ku xoojiso saamaynteeda qaaradda Afrika, gaar ahaan waddamada Muslimiinta u badan.

“Sanadihii u dambeeyay Israa’iil waxay dadaal diblomaasiyadeed badan gelisay sidii ay u xoojin lahayd joogitaankeeda Afrika,” ayuu yidhi.

Danjiruhu waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland leedahay khayraad dabiici ah oo badan oo ay kamid yihiin shidaal, gaas, dahab, bir iyo dhuxul, kuwaas oo uu sheegay inay abuuri karaan fursado dhaqaale oo waaweyn. “Waxay aad u danaynayaan inay Israa’iil kala shaqeeyaan dhammaan silsiladda warshadaha macdanta,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in sidoo kale ay jiraan fursado iskaashi oo ku saabsan beeraha, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Kenya, Denmark iyo UK ayaa hore xafiisyo wakiillo uga furtay Somaliland, inkasta oo aanay si rasmi ah u aqoonsan madax-bannaanideeda.

Warbixin ay soo saartay machadka daraasaadka amniga Israa’iil ee INSS ayaa sheegtay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu noqon karo “isbeddel weyn” oo ka caawiya Israa’iil la dagaallanka kooxda Xuuthiyiinta Yemen, iyadoo Somaliland lagu tilmaamay meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa hore u sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay ku biirto heshiisyada Abraham Accords, isaga oo ku tilmaamay tallaabo kor u qaadaysa nabadda iyo iskaashiga gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika.

Bishii December ee sanadkii hore ayay Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Tallaabadan ayaa diidmo adag kala kulan tahay Dowlada Soomaaliya iyo badibada dowladaha iyo ururada gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News