Addis Ababa (KAAB TV) – Jabhada xoreynta Oromia oo dagaal xooggan kula jirta dowladda Itoobiya ayaa gabi ahaanba iska iska diiday in Abiy Axmed uu yahay nin Ormoia kumatela heshiisyada iyo talabooyinka uu qaadaayo sida heshiiskii uu dhowaan lasaxiixday maamulka Soomaliland.
Sidoo kale, Jabhada Oromia war-murtiyeed kasoo baxay oo uu kusaxiixnaa afhayeenka jabhada ayaa waxaa lagu sheegay in Abiy Axmed uu markasto sameeyo dacaayado uu iskugu ekeysiinaayo in uu yahay shaqsi matala qoomiyada Oromia, iyagoona arrintaas kusheegay marin habaabin cad iney tahay.
Dhanka kale, Jabhada ayaa intaas waxa ey kudareen iney dagaal xooggan kula jirto nidaamka Abiy Axmed sidoo kalana, heshiiska Soomaaliland lala galayna uu yahay mid indhaha caalamka looga soo jeedinaayo dagaalada kasocda gudaha Itoobiya.
Ugudamebyntii, Jabhada ayaa waxa ey meesha bixiyeen sax-ahaanshaha heshiiska oo ay kumicneeyeen xadgudub lagula kacaayo madaxbanaanida dhulka Soomaaliya.



