Addis Ababa (KAAB TV) – Itoobiya ayaa sheegtay cid kasta oo ka hor timaada doonistooda badda cas inay u arkayaan, arrin khatar ku ah amniga qaranka, sida uu warbaahinta gudaha Itoobiya u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru.
Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya inuu ku tiirsanyahay 100% badda cas, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka”.
Itoobiya ayaa doonaysa inay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland, bishii koowaad ee sannadkan, kaasoo aan la dhaqangelin, ka dib markii ay si adag u diidday dawladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan oo ka hadlay wada-xaajood uu u kala dabqaadayay Turkiga labada dal, lagu guul-darrastay in laga helo natiijo uu caddeeyay inaysan dooneyn Itoobiya inay ka laabato heshiiska, inkastoo uusan sheegin haddii ay Soomaaliya qaadayso tallaabooyin ay ku joojin karto Itoobiya.
Dhanka kale, Itoobiya waxay adeegsanaysa luuqad u dhiganta hadalladii quwadaha Mareykanka iyo Ruushka ay u adeegsan jireen duulaan kasta oo militari oo xad-gudub ah, iyagoo ku andacoonaya tallaabooyinka ay qaadeen inay uga hortagayaan khatar amniga qaranka ah.
Inka badan 100 qof ayaa lagu afduubay gudaha Itoobiya , oo ay ku jiraan Arday toddobaadkii hore, iyagoo laga qaatay madax furasho, sida u sheegay Safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Massinga.
Dalka Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaya khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dawladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka kal fadhiga Baarlamaanka ee 4-tii bishan.
Sida ay shaacisay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo, xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo sidoo kale, ilo wareedyada ayaa intaasi waxa ay kudarayaan in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa.
Sikastaba, Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya.

