DHOOBLEY (Kaab TV) – Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa gaaray magaalada Dhobley si ay u qiimeeyaan xaaladda qoysaska dhawaan ka barakacay tuulooyinka miyiga ah ee ay saameysay abaaraha.
Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada Jubaland ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay bilaabaan qeybinta raashinka qoysaska, oo gaaraya ku dhawaad 12,000 oo qoys, kuwaas oo iminka ku sugan Dhobley, magaalo xuduud la leh Kenya.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka, ku dhawaad 1.5 milyan oo qof oo ku nool Jubaland ayaa la kulmaya xaalad bani’aadamnimo oo daran waxayna u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

