KISMAAYO (Kaab TV) -Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa bilaabay qaybin gargaar noocyo kala duwan leh oo loogu talagalay 12,000 oo qoys, kuwaas oo ay Dowladda aan Walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Jubaland.
Deeqdan raashinka ah oo ka kooban bur, bariis, saliid iyo sonkor, ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, waxaana loogu talagalay in lagu taageero qoysaska nugul ee ay abaartu saamaysay. TV
Qaybinta gargaarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo, halkaas oo loo qaybiyay 3,000 oo qoys, iyo deegaanka Yurkud ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, oo la gaarsiiyay 1,000 oo qoys oo ay abaartu saamaysay.
Gargaarkan ayaa la gaarsiin doonaa dhammaan deegaanada Jubaland ee abaartu sida daran u saamaysay.
Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaradka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Jubaland.



