LONDON (KAAB TV) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka ee dalka Ingiriiska, Keir Starmer ayaa lagu wadaa in Boqorku si rasmi ah ugu magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka.
Arrintan ayaa imaaneysa ka dib markii doorashadii shalay ka dhacday dalka UK uu ku guuleystay xisbiga Shaqaalaha Labour-ka, kaasoo aqlabiyadda baarlamaanka dalka la wareegay.
Marka laga reebo laba xubnood oo baarlamaanka ah oo hadda lagu dhawaaqay, xisbiga Shaqaalaha wuxuu ku guuleystey 412 kursi oo ah tirada guud ee xildhibaannada baarlamaanka aqalka hoose ee dalka UK oo ka kooban 650.
Natiijadan ayaa ah guushii ugu weyneyd ee Xisbiga Shaqaaluhu soo hoyo tan iyo 1997.
Xisbiga Shaqaalaha ayaa 14 sano ahaa mucaarad dowladda bannaanka ka jooga.
Starmer ayaa hadda ah ra’isul wasaarihii 58aad ee UK.
Ra’isul wasaarihii dalka Rishi Sunak ayaa saaka is casilay, isagoo baneeyay aqalka Ra’isul Wasaaraha oo uu ka guuray.
Wuxuu sidoo kale shaaciyay inuu ka degayo xilka hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka ee Conservative-ka.
Sunak ayaa taageerayaasha cisbigiisa ka raaligaliyay jabkii kasoo gaaray doorashada.

WAXYAABAHA SAAMEYNTA KU LAHAA DOORASHADA
Doorashadan ayaa timid xilli dalka UK uu aad wajahayo dhaqaale darri iyo qulqulka soo galootiga oo batay.
Dowladda dalka ayaa xakameyn weysay dhaqaale darrida iyo socodka soo galootiga xitaa iyadoo UK ka baxday Midowga Yurub.
Mucaaradka ayaa codad badan ku heley in dowladdu ay awoodi weysay inay wax ka qabato adeegga caafimaadka oo hoos u dhacay, adeegyada daryeelka dadka nugul oo la yareeyay iyo burburka dhaqaale ee ka dhashay Covid-19 oo ay dowladduu ku guuldareysatay inay wax ka qabato.
Ra’isul wasaaraha cusub Starmer ayaa la filayaa inuu soo magacaabo golaha wasiirada cusub.
Waxaa la rajeynayaa inuu deg deg u bilaabo joojinta heshiisyo ay dowladdiii hore gashay sida heshiiska Rwanda ee dadka sharci darrada dib loogu tarxiilaayo dalka Rwanda, iyo sharciga dhimista dhaqaalaha maalgelinta caafimaadka oo ay dowladdii hore soo rogtay.

