Kulane Jiis oo hanjabaad culus ka soo saaray xaaladda gobolka Gedo

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane Jiis oo ka tirsan golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal adag oo uu kaga hadlayo xaaladda gobolka Gedo oo jahawareer maamul ku jira muddo seddax sano ah.

Kulane Jiis oo sheegay “Nin kasta iyo koox kasta oo ku hamineysa ama haatan ku hawlan in ay gobol weynaha Gedo, ku dirqiyaan, ku juujuubaan ama tooda u meeriyaan waxaan leeyahay hays lugoynina,” ayuu yiri Cabdullahi Kulane.

“Sina Suurtagal uma aha umana noqon doonto in Gedo la maquuniyo Shalay bay ahayd oo lasoo tijaabiyey iyadoo la wato dawladdo shisheeye oo cudud ciidan ka joogto Jubbaland sidoo kale xadka ugu dheer la wadaaga Gedo, waana socon wayday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Kulane.

“Umadaha liibaanay taariikhda iyo dhacdooyinka tagtada ayey wax ka bartaan. Halka kuwa saaqiday aanay waxba ka baran tagtada. Wax la waayey Xaajoow, Ruuxii waalan baa u duda. Ballanteennu waa Jubbaland loo dhanyahay.”

Diyaarad ka baxday magaalada Muqdisho oo siday xubno ka tirsan masuuliyiinta cusub ee gobolka Gedo uu u magacaabay Axmed Madoobe ayaa laga soo celiyay oo loo diiday inay ka degaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Cabdullahi Kulane oo kursi Xildhibaan ka soo qaatay Galmudug intii ay socotay doorashadii BF ayaa ka mid ahaa saraakiishii NISA ee Farmaajo u adeegsaday in gobolka Gedo ay ka soo jaran Jubbaland-ta uu maamulo Axmed Madoobe.

Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan gobolkaas u magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaashanaya ciidan ka socda dadka deegaanka oo weli diidan Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News