Laftagareen: KGS way isku tashanaysaa mustaqbalkeeda iyo amnigeeda

|

BAYDHABO (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa cambaareeyay hadallo kicin ah oo kasoo yeeray qabaa’il taageersan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay in Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari doonto mustaqbalkeeda iyo amnigeeda.

“Wixii foolxumo ahaa intii aan aniga maqnaa, hadallo xanaf leh oo dadka reer Koonfur Galbeed lagu jaaifeysanayo, waxay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo taageerayaashiisa kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo Isniintii.

“Waana wax ceeb ah oo caqabad ku ah dowladnimada, midnimada Soomaalida iyo federaalka la hirgalinayo ee la rabo inuu hana qaado,” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Laftagareen ayaa jawaab u ahaa odayaal beeleed kasoo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo dhawaan ku hanjabay in ay guryaha ugu daadan doonaan xildhibaannada Koonfur Galbeed oo taageeray dadweyne ku mudaaharaaday gobolka Bakool, kuwaas oo taageeray joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa taageeray dibadbaxyadii ka dhacay gobolka Bakool ee lagu taageerayay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

“Dadka reer Koonfur Galbeed aragtidooda ayay ka hadleen, dareenkooda ayay sheegeen, waxayna la hadlayeen dowladda. In lagu ceebeyo aragtidooda waa nasiib darro,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu ammaanay 25 xildhibaan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed kuwaas oo dhawaan ka hor yimid soo gelitaanka ciidamada Masar ee gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka digay khatar ka dhalan karta dagaal dhex mara Itoobiya iyo Masar oo laga abuuro gudaha Soomaaliya.

“Markii hore waxaad maqli jirteen 13kii SYL, maanta anaga noo ah 25 xildhibaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed ay garab taagan tahay xildhibaannadaas, isagoo caddeeyay in aanay jirin cid ka qaadi karta xasaanadda.

“Xasaanadda waxaa idin siiyay shacabka, qabiil kale idinkama qaadi karo,” ayuu yiri, isagoo ka jawaabayay baaqyo ku saabsanaa in xasaanadda laga qaado 25ka xildhibaan ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay muuqato in xiriirka kala dhexeeya maamulka Xasan Sheekh ee Muqdisho sii xumaanayo, ayaa dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “waddaniyadda beenta ah ee la isku xuuxinayo.”

Shirka Wadatashiga

Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu ku baaqay shir wadatashi ah oo ay iskugu iman doonaan dadka reer Koonfur Galbeed, kaasoo uu sheegay in la qaban qaabin doono dhawaan.

“Waan isku tashan doonaa, amnigeenna ku tashan doonaa, mustaqbalkeenna ka tashan doonaa,” ayuu yiri.

“Midnimo iyo Soomaalinimo ayaa la isku hayaa, haddii la diido waa la kala tagi doonaa, qof aan qabiil ka dhalan ma jiro,” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.

Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay gooni u qabsato doorasheeda iyada oo aan sugi doonin dowladda federaalka, taas oo ku cadaadinaysay maamul goboleedyada inay dib u riixaan doorashooyinkooda, iyadoo waqtigu ka dhammaaday maamulada marka laga reebo Puntland oo doorashadeeda gooni u qabsatay bilowgii sanadkan.

Khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka ee Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada ayaa si xowli ah usoo shaac baxay, iyadoo Jubbaland dhawaan ay qaadacday hannaanka doorashada wadajirka ah ee federaalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wax ka bedel ku sameeyay dastuurka Jubbaland, taas oo u ogolaanaysa inuu isku sharaxo hoggaanka maamulka mar kasta oo uu doono.

Puntland ayaa bishii Maarso ee sanadkan gooni uga istaagtay dowladda federaalka, iyadoo aqoonsiga kala laabatay Madaxweyne Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News