Maamulka gobolka Banaadir oo aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan duco & Qur’aan aqris ugu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Xeebta Liido

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan duco iyo Qur’aan Aqris ah ugu sameeyay shuhadadii toddobaadkii hore ay Al Shabaab ku xasuuqeeen xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale, kulanka ducada iyo Qur’aan aqriska iskugu jiray ayaa waxaa kasoo qeybgalay shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada caasimadda iyagoo salaada Jimcaha ku oogay barxada aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Dhanka kale, Khudbada Salaada Jimco oo lagu soo qaatay sida ay diinteena suuban u xaaran-tinimeysay in naf bini-aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha argagixisada marnaba aysan ka turjumeynin diinta Islaamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa salaada kaddib markale si kulul ugu hadlay falalka guracan ay Al Shabaab ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaasi ugu duceeyay dadka, shuhadada, inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.

Sikastaba, Al Shabaab ayaa isbuuc kahor weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxa ayna halkaasi ku dileen dad gaaraya 40-qof, halka ay ku dhaawaceen dad ka badan 200-qof, dadkan la laayay ayaana xeebta u tagay nasiino iyo damaashaad.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News