MUQDISHO (KAAB TV) – Ciidanka ilaalada ee dowladda hoose ee Xamar ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxa ay kusoo qab qabteen waxyaalaha maanka dooriya.
Sidoo kale, howlgalka ay ciidamada ilaalada deegaanka ee dowladda hoose ee Xamar sameeyeen ayaana lagu soo qabtay maan-dooriyaha loo yaqaan taabuuga, kaniiniyaal iyo sidoo kale sharoobooyin la sheegay in loo isticmaalo maan-dooriye ahaan.
Dhanka kale, Ciidanka ilaalada deegaanka ayaa waxa ay sidoo kale soo qabteen sigaar macmal ah oo nac nac ahaan loo sameeyay kaas oo loo iibkeenay suuqayada magaalada Muqdisho si caruurta dhaqankooda loogu dhumiyo caadina looga dhigo sigaar cabista.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa gubay dhamaan waxyaalihii ay soo qab qabteen kuwaas oo wax udhimaaya bulshada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay halka lagu gubaayay waxyaalihii ay soo qab qabteen ciidanka ilaalada deegaanka ee dowladda hoose ee Xamar ayaa digniin udiray ganacstada magaalada keenta waxyaalaha maanka dooriya iyo waxyaalaha kale dhaqanka wax udhimaya.
Madaale ayaa intaasi kudaray in ciidamdu ay kordhin doonaan howlgalada lagula dagaalamaayo waxyaalaha maanka dooriya, isagoona waalidiinka uga digay in ay caruurtooda u iibiyaan nac naca sigaarka kasameysan.
Ugudambeyn, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dhaqan-xumada iyo isticmaalka maan-dooriyaha, waxaana magaalada ka furan hoteelo iyo goobo kale ay inta badan isugu tagaan dhallinyarada isticmaasha maan-dooriyaha.