Taliyaha Qeybta 27-aad oo ka digay kala-furfurka Ciidanka Xoogga Dalka, farriin adagna u diray dadka arrintaas ku lugta leh

|

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), ayaa si adag uga hadlay xaaladda ciidanka iyo kala-furfurka lagu eedeynayo in lagu hayo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan.

Cali Cagey oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in la burburiyo ciidamada qaranka, iyadoo mar kasta laga hadlayo dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in ciidamada la bahdilo, la kala furfuro ama loo adeegsado loollanka siyaasadeed iyo tabashooyinka ka dhex jira dhinacyada kala duwan.

Wuxuu sidoo kale ka digay in dadka uu ku eedeeyay inay cadawga u adeegayaan ay ka faa’iideystaan tabashooyinka ay qabaan bulshada qaarkeed, si ay u wiiqaan awoodda ciidamada dowladda.

Taliyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tabashooyinka siyaasadeed iyo dhaliilaha dowladda aan loo adeegsan karin burburinta hay’adaha amniga iyo ciidamada qaranka.

“Ciidanka XDS in la burburiyo leysku sawiro maalin kasta marmarsiiyo looma heli doono, mana laga hari doono. Tabasho ayaan qabnaa, dowlad dumineyno iyo ciidanka kala furfurayaa laysma qabadsiin karo. Ninkii imaado waan soo bandhigeynaa cida loo adeegayo, caddeyntana loo gudbinayo.”

Cali Cagey ayaa intaas ku daray in dadka uu ku tuhunsan yahay inay cadawga la shaqeeyaan, isla markaana ku dhex dhuuntaan dadka tabashada qaba, aan laga aamusi doonin.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli ay gobolka Hiiraan ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay isku-duubnidii ciidamada dowladda.

DHEERAAD:  NIN 71 JIR AH OO DUMARKA KA CABSADA(AKHRISO)

Dhanka kale, xaaladdan ayaa daba socota baaq uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u diray ciidamada ka soo jeeda gobolka Hiiraan, kaas oo uu ugu yeeray inay yimaadaan gobolka, kana jawaabaan xaaladda ka taagan deegaanka.

Baaqaas kaddib waxaa soo baxay warar sheegaya in askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka kala yimid gobollo kala duwan ay gaareen guriga Ugaaska.

Sida xogta la soo gudbiyay tilmaamayso, tirada ciidamada halkaas gaartay ayaa lagu sheegay ku dhowaad 450 askari, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan halka ay ka yimaadeen ciidamada, xaaladdooda shaqo iyo sida ay tallaabadoodu ula jaanqaadeyso nidaamka taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhaqdhaqaaqan ayaa sidoo kale sare u qaaday doodda ku saabsan xiriirka ka dhexeeya hoggaanka dhaqanka, ciidamada qaranka iyo maamulka Hirshabelle.

Hadalka Cali Cagey wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay jiraan walaac laga qabo in khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa deegaanka ay saameeyaan guutooyinkii lagu soo tababaray gudaha dalka.

Dadka ka walaacsan xaaladda ayaa qaba in haddii aan si degdeg ah loo xallin tabashooyinka ciidamada, ay adkaan karto in la ilaaliyo isku-duubnidooda iyo nidaamka kala-dambeynta ciidannimo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News