Laascaanood (KAAB TV) -Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ee Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa soo saartay xeerar cusub oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo xakameynta dadka ajaanibka ah ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta in aysan siin SIM-kaarka dadka ajaanibka ah ee sida sharci darrada ah ku soo galay dalka.
Sida ay sheegtay Wasaaraddu, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga, gaar ahaan in la xaqiijiyo in aqoonsiga ajaanibka la xaqiijiyo ka hor inta aysan helin adeegyada isgaarsiinta. Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xadido isticmaalka baraha bulshada ee ay adeegsadaan shaqsiyaadka joogitaankooda dalka aan sharciyeysneyn, iyadoo la hubinayo in shirkaduhu ay ogaadaan aqoonsiga dadka qaata adeegyada sida SIM Card-ka.
Awaamiirtan ayaa qeyb ka ah qorsheyaal dhowr ah oo lagu sugayo amniga oo maamulka KMG ah ee SSC iyo Khaatumo ay wadeen maalmihii u dambeeyay. Maamulka ayaa sare u qaaday ka feejignaanta shaqsiyaadka sida sharci darada ah kusoo galaya deegaanka, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la xakameeyo dhaq dhaqaaqyadaasi si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta.
Maamulka KMG ah ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta amniga gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa in dadka deegaanka iyo ajaanibtuba ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka deegaanka.

