JIDDAH (KAAB TV) – Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airline ayaa waxbo kama jiraan kutilmaantay in mid kamid ah diyaaradeheeda ay kusigatay in ay shil kugasho hawada Soomaaliya.
Sidoo kale, hay’adda duulista Soomaaliland ayaa labo maalin kahor waxa ay sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ay keeni gaartay in ay isku dhacaan labo diyaaradood oo ay kala leeyihiin Shirkaddaha diyaaradaha ee Emirates Airlines & Ethiopian Airlines.
Dhanka kale, Afhayeen uhadlay Emirates Airlines oo wareysi siiyay wargeyska Gulfnews oo laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay in ay waxbo kajirin in diyaarada Emirates Airlines ay kusigatay in ay shil kugasho hawada Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi kudaray in Shirkadda diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin qalab ka ilaalinaaya in ay galaan qadadka kale ay diyaaradaha kale kujiraan.
Ugudambeyn, hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo dhankooda xaqiijiyay in ay San jirin qaladaad ay galeen oo sababi gaaray in shil ay galaan diyaaradaha Ethiopian Airlines& Emirates Airlanes, waxa ayna intaasi kudareen in labada diyaaradood ee lasheegay in ay kusocon isku jiho, warka kasoo baxay Soomaaliland ay kutilmaameen dayacaad raqiis ah.

