Maayirkii magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kaddib in ka badan 14 sano oo uu hoggaaminayay maamulka magaalada. Sidoo kale, ku-xigeenkiisii Nuur Cadde ayaa isna iska casilay xilka.
Is-casilaaddan ayaa timid kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay qabsoomidda fadhi aan caadi ahayn oo ay codsadeen xubno ka tirsan golaha deegaanka Berbera, kuwaas oo doonaya in ay doortaan maayir iyo maayir ku-xigeen cusub.
Maxamed Ibraahim Dable, ayaa hoggaaminaya aqlabiyadda golaha deegaanka Berbera, uuna yahay hada musharraxa ugu cadcad xilka maayarka, halka mudane lagu magacaabo Yacquub lagu wado inuu u tartamo xilka maayir ku-xigeenka.
Mar uu ka hadlayay munaasabadda is-casilaadda, Cabdishakuur Ciddin ayaa sheegay in intii uu xilka hayay uu magaalada Berbera gaadhsiiyay heer ka wanaagsan sidii ay markii hore ahayd, isaga oo xusay in horumar ballaadhan laga sameeyay adeegyada iyo bilicda magaalada. Waxa uu intaas ku daray in go’aanka ugu dambeeya ee cidda hoggaaminaysa magaalada uu u yaallo golaha deegaanka.
Ciddin iyo ku-xigeenkiisii Nuur Cadde ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay shacabka Berbera iyo xubnaha golaha deegaanka, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin muddadii ay bulshada u adeegayeen.
Waxaa ay sidoo kale la kulmeen dhaleeceyn ku saabsan adeegyada korontada, iyadoo dhaleeceeyayaashu ku eedeeyeen in ay ku guuldareysteen bixinta koronto la awoodi karo oo lagu kalsoonaan karo magaalada.
Golaha deegaanka ee Berbera ayaa la filayaa inay kulan yeeshaan maalmaha soo socda si loo doorto hoggaamiyeyaal cusub oo maamula magaalada.

