Muqdisho (KAAB TV) -Duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Baydhabo ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay subaxnimadii Talaadada, taasoo keentay in rakaabkii ku xayiran garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Hakadka ayaa saameeyay ganacsato, arday, bukaano caafimaad, iyo qof dhintay oo loo waday in lagu aaso.
Dowladda Federaalka ayaan faah faahin rasmi ah ka bixin joojinta diyaaradda, inkastoo saacado kadib loo ogolaaday in duulimaadyada ay dib u bilowdaan.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa cambaareeyay tallaabadan, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu bahdilayo shacabka Koonfur Galbeed, isagoo wacad ku maray inaan loo dulqaadan doonin. Senator Aadam Cabdinaasir ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay joojinta “Weerar qaawan” oo lagu hayo bulshada Koonfur Galbeed.
Joojinta duulimaadyada ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan qorshaha bixitaanka ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo lagu wado in la soo gabagabeeyo bisha December ee sanadka 2024-ka. waxay ka soo horjeesteen ka bixitaanka, iyagoo ka baqaya inay khalkhal geliso ammaanka goboladooda.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, si uu u qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed. Joojinta duulimaadka ayaa sii kordhisay jawigii siyaasadeed ee awalba jilicsanaa, iyadoo madaxda maamul goboleedyada ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin waxa ay u arkaan xad gudub federaal.

