ASMARA (KAAB TV) -Madaxweynayaasha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, Eritrea Isaias Afwerki, iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah ku kulmay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea shir madaxeed saddex geesood ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saddexda dal iyo wax ka qabashada amniga gobolka.
Shirkan oo uu martigeliyay madaxweyne Afwerki ayaa muujinaya isbahaysi cusub oo u dhexeeya saddexda waddan. Wafdiga Masar waxaa ka mid ahaa Cabbaas Kamel oo ah madaxa sirdoonka guud ee Masar iyo wasiirka arrimaha dibadda Badar Abdelatty.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland oo ah maamul ka go’ay Soomaaliya. Heshiiskan ayaa walaac ku abuuray wadamada caalamka oo ay ka mid tahay Midowga Afrika oo howgallo ka wada Soomaaliya (AUSSOM).
Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa in ay go’aamiso qaabka uu noqon doono Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda kadib marka uu dhamaado howlgalka hadda socda. Xuseen Macallin, oo ah la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay ka qeybgalaan howlgalka cusub, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiskii ay la gashay Somaliland horaantii sanadkan.
“Soomaaliya uma tixgalinayso ciidamada Itoobiya inay qayb ka noqdaan howlgalka cusub haddii aysan ka bixin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixdeen Somaliland horraantii sannadkan,” Macallin ayaa ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da Somali Khamiista.
Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiska is-afgaradka ah ee la saxiixay bishii Jannaayo, mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed. Heshiisku waxa uu Itoobiya u ogolaanayaa in ay hesho dhul dhan 20 KM oo ka mid ah xeebta Badda Cas si ay u hesho aqoonsi madax-banaanida Somaliland.
Heshiiskan ayaa sababay khilaaf diblumaasiyadeed oo soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ka mid ahaa in safiirkii Itoobiya laga ceyriyo magaalada Muqdisho iyo hanjabaaddii laga saaray kumannaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Masar iyo Eritrea labaduba waxay taageersan yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna ka soo horjeedaan heshiiska.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa horay u xaqiijiyay in dalkiisa uu taageersan yahay midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo sabab uga dhigay xasilooni darada dalka ka jirta.
“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya dartiis. Waanu taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Al-Sisi mar uu la hadlayay madax ka socotay xafladda qalin-jabinta dufcad cusub oo ka qalin-jabisay kulliyadda booliiska Axaddii.
Hadalka Madaxweyne Al-Sisi ayaa daba socda toddobaad feejignaan dheeri ah lagu sameeyay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya. Labo todobaad ka hor waxaa Soomaaliya soo gaaray markab xamuul oo sida gargaar milateri oo aad u badan oo ka socda ciidamada qalabka sida ee Masar.
Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku nuux-nuuxsaday xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.
Taageerada militari oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa astaan u ah tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah. Kani waxa uu ahaa shixnad gargaar milatari oo labaad oo laga soo diro Masar.
Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen 1heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xoojinta amniga gobolka.

