Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan dalka dhamaadka sanadkan. Madaxweyne Madoobe oo arrintaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay qorshaha uu ku baxayo, waxa uuna tilmaamay in baahi weyn loo qabo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegaan goobaha ay baneeyeen.
“Waan soo dhaweynayaa qorshaha iyo jadwalka ciidamada ATMIS ay uga baxayaan dalka. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegaya goobaha ay ka baxayaan,” ayuu yiri madaxweyne Madoobe. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in si qorsheysan oo nidaamsan looga baxo, isagoo kula dar daarmay ciidamada ATMIS-ka inay ku dhaqmaan jadwalkooda si ay imtixaan ugu noqdaan ciidamada iyo dowladda Soomaaliya. “Waxaan kula talinayaa ciidamada ATMIS-ka, oo hore loo oran jiray AMISOM, in ay ku baxaan jadwal qorsheysan oo ay ku tijaabinayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dowladda Soomaaliya, una diyaar garoobaan la wareegidda dhulka ajandaha iyo jadwalka ku jira,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Madaxweyne Madoobe ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay heerka uu hadda marayo diyaar garowga dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ee ku aaddan isbadalka amniga. Waxa uu tilmaamay in ka bixitaanka ATMIS-ta ee soo socda ay tijaabo weyn u noqon doonto sida ay dowladdu diyaarka ugu tahay inay si madax-bannaan u maamusho amniga dalka. “Arrintan waa la qorsheeyay, waa qorshe, wax su’aal ahna lagama hayo. Way baxayaan, waxayna ku socdaan sidii loogu talagalay. Diyaargarowgeenu wuu liitaa, waana tijaabo. Fashilka ka imaanayaa wuxuu saameynayaa dowladda iyo ciidamada Soomaaliya,” ayuu xusay.
Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland lagu wareejiyay Saldhigga ATMIS ee ku yaalla deegaanka Cabdalle Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose. Wareejintan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ATMIS uu si tartiib tartiib ah ugu wareejinayay saldhigyo ay ku leeyihiin gobollo ay ka mid yihiin Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ciidamada Soomaaliya.
Ka bixitaanka ATMIS, oo horey loogu yiqiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa ka dhigan guul weyn oo laga gaaray safarka Soomaaliya ee ku aaddan isku filnaansho dhanka ammaanka ah. Bixitaanka howlgalka wejigiisa waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada amniga deegaanka si ay mas’uuliyadda buuxda u qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.
Sida kala guurka ah uu u socdo, waxaa diiradda la saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamada Soomaaliya ay si ku filan u diyaar garoobaan si ay u xalliyaan caqabadaha jira. Wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu guuleystay ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xasilloonida iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Hadalka Madaxweyne Madoobe ayaa hoosta ka xariiqaya sida degdega ah ee kor loogu qaadayo tayada ciidamada Soomaaliya si loo xaqiijiyo kala guur hufan oo wax ku ool ah iyadoo ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan inay dalka ka baxaan dhamaadka 2024-ka.

