Hargeisa (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dad aan la magacaabin oo ka soo horjeeda doorashada soo socota ku eedeeyay inay soo abaabuleen falal amni darro oo ka dhacay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sool.
Madaxweyne Biixi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dagaal beeleedyadii u dambeeyay ay qayb ka yihiin dedaallo badheedh ah oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Somaliland, laguna wiiqayo midnimada iyo dawladnimada deegaanka.
“Khilaafka maanta ka taagan Ceerigaabo waxa la doonayaa in lagu carqaladeeyo doorashadda, qof kasta oo la doortay waa inuu Somaliland horumariyaa, horumarkaasina waa la carqaladaynayaa, maanta dhammaanteen waxa aannu diiradda saaraynaa doorashada,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Iskahorimaadkan ayaa hore ugu dilay ugu yaraan sagaal qof meel u dhow tuulada Goof, oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta Ceerigaabo, ka dib iska-horimaad gacan ka hadal ah oo Arbacadii dhex maray laba kooxood oo maleeshiyo ah.
Rabshadahan ayaa ka dambeeyay dilkii Salmaan Aadan Cabdi oo ahaa nin caan ka ahaa magaalada Ceerigaabo, kaas oo la toogtay horaantii todobaadkan. Geerida Salmaan ayaa lala xiriirinayaa xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka, gaar ahaan ka dib markii uu taageeray maamulka Khaatumo.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dawladda Faderaalka ayaa baaq culus ka soo saartay colaada ka taagan degmada Ceerigaabo.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo dib u heshiisiin, waxayna ugu baaqday odayaasha deegaanka, culumaa’udiinka, iyo maamulka gobolka inay si deg deg ah wax uga qabtaan joojinta dhiigga daadanaya, iyadoo xustay in rabshadahaasi ay ku barakaceen tobanaan qoys.

