MUQDISHO (Kaab TV) –Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Israel kulan heer sare ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo Madaxweyne Cirro uu uga mahadceliyey dowladda Israa’iil aqoonsiga ay si rasmi ah u siisay Somaliland, sida lagu xusay war-saxaafadeedka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aqoonsigaasi uu yahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa heerka ay Somaliland ka gaartay dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, dawlad-dhiska iyo xasilloonida, isagoo tilmaamay in ay muddo dheer ku howlnaayeen raadinta aqoonsi caalami ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku dhawaaqay saxiixa Baaq Istaraatiiji ah oo dhigaya qaab-dhismeedka iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil. Heshiiska ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiiskan uu gogol-xaar u noqonayo iskaashi rasmi ah oo muddo dheer socon kara, kaas oo ku salaysan dan-wadaag iyo iskaashi labada dhinac faa’iido u leh.
Gabagabadii, Madaxweyne Cirro ayaa Raysal Wasaare Netanyahu guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran, taas oo sida war-saxaafadeedka lagu sheegay lagu maamuusay doorka uu ku lahaa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA


















