Waxaa caawa oo [Axad ah 22 November 2026] magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, sida ay xaqiijiyeen xubno qoyskiisa ah.
Cali Cosoble ayaa la sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay ku jiray isbitaal ku yaalla Muqdisho, ka dib xannuun soo wajahay.
Khaalid Cosoble oo la dhashay Cali Cosoble ayaa shaaciyay geerida walaalkiisa caawa fiidkii.
“انا لله وانا اليه راجعون Allaha u naxriisto walaalkeey Cali Cabdullahi Cosoble,” ayuu ku baahiyay bartiisa Facebook Khaalid.
Sida Kaab TV uu ogaaday Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cosoble, ayay dhakhaatiirtu la tacaalayeen xilliga uu geeriyooday.
Cosoble oo ku firfircoonaa siyaasadda Soomaaliya, ayaa waayadan dambe taageersanaa maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana marar dhowr ah uu kasoo muuqday warbaahinta isaga oo difaacaya siyaasadaha Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan khilaafaadka ka taagan doorashooyinka.
Cosoble wuxuu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1961.
Wuxuu ahaa ganacsade deggan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo aabihii ku lahaa ganacsiyo.
Markii uu ku soo laabtay Soomaaliya sannadkii 2004 wuxuu galay siyaasadda.
Bishii Jannaayo 2005 ayaa Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi u magacaabay Cosoble Wasiirkii Waxbarashada ee DKMG ee Soomaaliya ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed (AUN).
Bishii October 17-keedii sannadkii 2016 ayuu Cosoble noqday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee cusbaa, ka dib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Waxaana xilkaas laga qaaday sannad ka bacdi ka dib markii baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ay u codeeyeen in xilka laga tuuro, inkasta oo uu Cosoble ku tilmaamay xilka qaadistaasi mid sharci darro ah oo ay soo abaabushay Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Tan iyo markii xilka laga qaaday wuxuu ku noolaa Muqdisho, isagoo kasoo muuqan jiray warbaahinta gudaha.
Allah ha u naxariisto Cali Cabdullaahi Cosoble.

