Baledweyne (KAAB TV)- Ilaa 75% magaalada Beledweyne ayaa hadda waxaa qarqiyey biyaha fatahaada wabiga shabeelle.
Dadka ku dhaqan Soomaaliya ayaa la ildaran cimilo aad u daran, iyadoo fatahaado xooggan ay hadda ku dhufteen deegaanno badan oo ay halakeeyeen abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo mara muddo badan.
Maxamed sheikh cumar oo ka mid ah dadka ku nool xaafada kooshin ee magaalada baladweyne ayaa yiri: “Dadku waxay ku sugan yihiin xaalad quus ah. Ku dhawaad magaalada oo dhan waa biyo , dadka intiisa badanna hadda waa barakaceen oo waxay hoy u noqdeen xeryo aan haysan biyo nadiif ah oo la cabbo, hoy, cunto ama daryeel caafimaad. Waxaan aad uga walaacsanahay cudurrada ka dhasha biyaha iyo duumada maadaama dadku ay ku sugan yihiin xaalad ciriiri ah oo aad u liidata.”
Fatahaadaha ayaa saameeyay inta badan magaalada, balse meelaha ugu daran ayaa ah xaafado hoose oo ay ku nool yihiin dad danyar ah iyo dad barakacayaal ah. Magaalada Beledweyne waxaa horay ugu sugnaa in ka badan 100,000 oo barakacayaal ah kuwaas oo u soo qaxay magaalada si ay uga soo cararaan abaaro iyo colaado. Xerooyinkooda ayaa si gaar ah u saameysay, iyadoo biyaha daadku ay qaadeen musqullo. Bacaha lagu daboolay teendhooyinka dadka ayaa waxaa daalay kulayl daran iyo abaaro dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sidaas darteed hadda uma adkeysan karaan dhibatada ka jirta magaalada baladweyne.
Qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo saakay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.
Labadaan xaafadood ee Xalay iyo saakay qeybo ka mid ah looga barakacayo fatahaada ayaa ahaa maalmahii lasoo dhaafay kuwa rajadooda aad u wanaagsaneyd waxaana xusid mudan in wali la dagan yahay inta badan labadaas xaafadood.
Magaalada Baledweyne wali waxaa ka taagan cabsida biyaha wabiga Shabeelle oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysan haya, islamarkaana looga sii barakaci haayo xaafado hor leh, waxaana suurtagal ah hadii biyuhu sidaan kusii socdaan in guud ahaan xaafadaha Baledweyne laga barakici doono.
Beledweyne, oo ku taal bartamaha Soomaaliya, ayaa si gaar ah ugu nugul fatahaadaha. Magaaladu waxaa dhaxmara webiga Shabeelle,kaas oo inta badan buux dhaafiya qararka ka dib roobab mahiigaan ah. isla Markana sare u kaca heerka biyaha ayaa loo aaneynayaa roobabkii dhawaan ka da’ay labada gobol ee Hiiraan iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo sababay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ayaa soo saartay digniin horraantii todobaadkan. Waxay saadaaliyeen roobabka Guga ee soo socda, oo sida caadiga ah dhaca inta u dhaxaysa Abriil iyo Juunyo, inay barakici karaan ugu yaraan 770,000 oo qof oo dalka oo dhan ah.
Soomaaliya ayaa wajahday xaalad aad u xun sanadkii hore taasoo ay ugu wacan tahay daadad ka dhashay El Nino oo ka dhashay roobab lixaad leh. Daadadku waxa ay galaafteen nolosha in ka badan 100 qof halka 1.4 milyan oo qofna ay hoy la’aan noqdeen. Khubarada ayaa tilmaamay in isbedelka cimilada uu yahay sababta ugu weyn ee ka dambeysa abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday ee Soomaaliya ku soo noqnoqday sannadihii u dambeeyay.
Lix bilood ayaa laga jooga markii fatahaadii abid ugu xoogeneyd ay ku dhufatay magaalada Baledweyne dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023, waxaana xusid mudan in fatahaadan ay markale imaatay, iyadoo wali aysan kasoo kabsan dadka reer Baledweyne dhibaatadii kasoo gaartay fatahaadii hore.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya

