MUQDISHO (Kaab TV) -Warar kala duwan oo laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya la geeyay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), kaddib markii xilka laga qaaday.
Xogta aan heleeyno ayaa tilmaamaysa in sidoo kale laga qaaday ilaaladii gaarka ahayd ee ka tirsaneyd ciidanka Asluubta, taasoo dhalisay tuhun ku saabsan in la xakameynayo dhaqdhaqaaqiisa, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay.
Arrintan ayaa si weyn uga dhalisay falcelin siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku eedeeyeen dowladda inay qaaday tallaabo ka baxsan nidaamka dowladnimo.
Senator Aadan Cabdinasiir oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadan, isagoo ku tilmaamay mid halis gelin karta amniga iyo xasilloonida, isla markaana keeni karta falcelin kale oo ka dhalata deegaannada kala duwan.
Dhanka kale, ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Cabdi-Waare, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaado xayiraad kasta oo lagu soo rogay taliyaha xilka laga qaaday, isagoo xusay in xuquuqda muwaadinimo aan la duudsiin karin.
Sidoo kale, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka, Fahad Yaasiin, ayaa dowladda ugu baaqay inay si degdeg ah u sii deyso Taliye Shub haddii ay jirto xannibaad, isagoo ka digay in tallaabo noocaas ah ay albaab u furi karto xaalado siyaasadeed oo aan la saadaalin karin.
Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymahan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan mida ka dhex aloosan Dowladda federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee ay qaadaan madaxda dowladda federaalka.

