Maxaa ka soo baxay shirkii u dhaxeeyay dowladda, mucaaradka iyo Beesha Caalamka?

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Shir saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Dowladda Soomaaliya, Mucaaradka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la soo gaba gabeeyay.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed, Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada dhinac ayaa waxaa dhexdhexaadinaya Diblumaasiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo doonaya in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Shirka maanta waxaa diiradda lagu saarey Doorashooyinka gaar ahaan sidii looga heshiin lahaa nuuceeda iyo waqtiga la qaban doono.

Wada hadallada oo muddo saacado ah socday ayaa labada dhinac soo bandhigeen doodahooda, waxaana berri khamiis ah mar kale loo ballamay in la isugu yimaado kulan kale.

Shirkaasi berri ayaa la filayaa in laga soo saaro Natiijada rasmiga ah ee heshiisyada ay gaaraan labada dhinac oo ay garwadeen u yihiin Xubnaha Beesha Caalamka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News