Maxaa sharci ahaan ka socda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug?

|

Soomaaliya ayaa xilligan wajahaysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, kaddib markii khilaafyo xooggan ay hareeyeen hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kamid noqday meelaha ugu muhiimsan ee khilaafka siyaasadeed uu ka taagan yahay, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan cidda maamuleysa doorashooyinka, qaabka loo qabanayo, sharciyadda hay’adaha doorashada iyo doorka Dowladda Federaalka.

Qodobka ugu muhiimsan ee fahamka xaaladda maanta waa isbeddelka lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka ayaa 2024 ansixiyay wax-ka-beddello waaweyn oo lagu sameeyay afarta cutub ee hore ee Dastuurka, kuwaas oo ay kamid yihiin nidaamka doorashada qof iyo cod iyo nidaamka xisbiyada badan. Dowladda Federaalka ayaa 2026 sheegtay in Dastuurka cusub ee la ansixiyay 4-tii Maarso 2026, lana saxiixay 8-dii Maarso, uu yahay dastuurka sare ee dalka, kana sarreeya dastuurkii ku-meelgaarka ahaa.

Sidaas darteed, marka maanta laga hadlayo sharciyadda doorashooyinka, waa muhiim in la kala saaro Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee 2012, wax-ka-beddelladii 2024 iyo Dastuurka cusub ee 2026.

Tani waxay sidoo kale sharxaysaa sababta ay siyaasiyiintu ugu kala aragti duwan yihiin awoodda Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo guddiga doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo loo soo gaabiyo GMDQS/NIEBC ee lagu muransanyahay , ayaa ah hay’adda qaranka ee maamusha hannaanka doorashooyinka.

Guddiga laftiisa wuxuu sheegay in xeerka lagu dhisay uu siinayo awood uu ku qabto doorashooyin kala duwan iyo inuu asteeyo soohdimaha heerarka kala duwan ee maamulka iyo deegaan-doorashooyinka.

DHEERAAD:  Agaasime yaashii hore ee wasaaradda shaqada oo dambi lagu waayay{AKHRISO}

Tani waa arrin muhiim ah, sababtoo ah nidaamkii hore doorashooyinka dowlad-goboleedyada waxaa si weyn ugu lug lahaa hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo heshiisyada siyaasadeed ee lala galay Dowladda Federaalka.

Hadda, dowladda dhexe waxay ku doodaysaa in hannaanka cusub uu leeyahay hay’ad qaran oo doorashada maamusha.

Laakiin dhinacyada kasoo horjeeda dowladda dhexe waxay su’aal ka keenayaan awoodda ay Muqdisho ugu yeelan karto go’aaminta doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Hirshabeelle ayaa kamid ah meelaha ugu adag ee khilaafka siyaasadeed uu ka jiro,Dhinaca Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka waxaa jira qorshe lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, waxaana horey uga bilaabatay Hirshabeelle diyaarinta iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee lagu muransanyahay ayaa 2025 si rasmi ah uga bilaabay Hirshabeelle diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay hirgelinta nidaamka hal qof, hal cod.

Laakiin siyaasadda Hirshabeelle waxay noqotay mid aad u murugsan, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne waxaa ka taagan dood ku saabsan cidda maamuleysa doorashada iyo sida awoodda siyaasadeed loo qeybsanayo. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ayaa qaba in hannaanka doorashada aan lagu degdegin, halka dhinacyo kale ay taageersan yihiin in geeddi-socodku sii socdo.

Waxaa intaas dheer in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu noqday musharrax ay taageerayaan dhinacyo siyaasadeed oo xoog leh, taas oo sii kordhisay loollanka siyaasadeed.

Haddii doorashada lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod, waa in lagu saleeyaa xeerarka doorashada, diiwaangelinta codbixiyeyaasha, deegaan-doorashooyinka iyo awoodda Guddiga Doorashooyinka.

Laakiin haddii dhinac siyaasadeed uu ku doodo in geeddi-socodka aanu waafaqsanayn dastuurka ama xeerarka, waxaa muhiim ah in khilaafka loo maro hay’adaha sharciga ah, halkii uu isku beddeli lahaa iska horimaad siyaasadeed ama amni.

DHEERAAD:  Dagaal udhaxeeya labo maleeshiyo Beeled oo mar kalle Dib uga Qarxay Deegaanka galo oo Dhinaca waqoyi bari kaga beegan Dhuusamareeb .

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed wuxuu gaaray heer aad u sarreeya sanadkan.

Bishii Maarso 2026, maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ku dhawaaqay inuu joojiyay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii uu la lahaa Dowladda Federaalka.
Kadib waxaa dhacay isbeddello waaweyn oo siyaasadeed iyo amni, waxaana Baydhabo noqotay xarunta khilaafka.

Dowladda Federaalka waxay taageertay geeddi-socod doorasho oo cusub, halka dhinacyo taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay ku doodeen in tallaabooyinka Muqdisho ay yihiin faragelin lagu sameeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Xitaa Laftagareen ayaa sheegay inuu weli yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, taas oo muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka sharci iyo siyaasadeed.
Dhibaatada ugu weyn waa in la isku hayo cidda xaqa u leh inay go’aamiso doorashada dowlad-goboleedka.

Dowladda Federaalka waxay ku tiirsan tahay dastuurka cusub iyo awoodda Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Dhinaca dowlad-goboleedka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda Muqdisho waxay ku doodayaan in dowlad-goboleedyadu leeyihiin dastuurro iyo hay’ado u gaar ah, ayna jirto baahi loo qabo heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ah.

Sidaas darteed, khilaafka Koonfur Galbeed ma aha oo keliya khilaaf ku saabsan qof xilka haya; waa dood ku saabsan qaabka federaalka Soomaaliya u shaqeynayo.

Inkasta oo xaaladda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay kala duwan yihiin, haddana waxaa ka dhexeeya hal arrin oo weyn:

Dowladda Federaalka waxay leedahay hay’ad qaran oo doorasho oo loo xilsaaray maamulka hannaanka doorashada.

Dowlad-goboleedyadu waxay leeyihiin hay’ado, dastuurro iyo nidaamyo siyaasadeed oo u gaar ah.

Dhinacyada mucaaradka ahna waxay ka cabsi qabaan in awoodda doorashada loo adeegsan karo dano siyaasadeed oo dowladda dhexe leedahay.

Sidaas darteed, muranka maanta taagan wuxuu ka weyn yahay doorashada qof ama xisbi; wuxuu taabanayaa qaabka federaalka Soomaaliya iyo sida awoodda loogu kala qeybsanayo Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada.

DHEERAAD:  Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Soomaaliya oo dalbaday in dalkoodi lagu sooceliyo

Arrinta ugu khatarta badan ayaa ah in khilaafka siyaasadeed uu isku beddelo muran sharci oo aan xal loo helin.

Sharci ahaan, haddii Guddiga Doorashooyinka uu qaato go’aan, dhinaca kasoo horjeeda waa inuu isticmaalaa waddooyinka rafcaanka iyo hay’adaha garsoorka ee sharcigu oggol yahay.

Haddii dowlad-goboleed uu aaminsan yahay in Dowladda Federaalka ay ku xadgudubtay awooddiisa, arrintaas waa in lagu xalliyo wada-hadal siyaasadeed iyo hay’adaha dastuuriga ah.

Dastuurkii hore wuxuu si cad u dhigayay mabda’a ah in heerarka dowladda ay ku shaqeeyaan iskaashi iyo taageero, isla markaana awood-qeybsiga iyo kheyraadka lagu heshiiyo Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Dastuurka cusubna wuxuu sii xoojinayaa hay’adaha federaalka iyo nidaamka doorashada, sidaas darteed muran kasta waa in lagu eegaa qoraalka dastuurka cusub iyo sharciyada uu Baarlamaanku ansixiyay.

Marka si kooban loo dhigo, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur siyaasadeed iyo doorasho oo sharci ahaan cusub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News