Maxaad kala socotaa xogta dadkii xalay lagu laayay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido?

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay weerar argagaxiso oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah, waxaana xigay weerar toos ah oo rag hubeysan ku galeen maqaayada Beach View ee saaran xeebta Liido.

Sidoo kale, weerarkan waxaa lagu laayay dad badan oo shacab ahaa oo xeebta u tagay in ay ku nastaan kuna damaashaadaan, waxaana halkaasi ugu tagay kuna beegsaday koox arxandaran oo xasuuqa dadka shacabka ah caadeysatay.

Dadka xeebta Liido xalay lagu laayay ayaa u badnaa dad shacab ah , waxa ayna dadkaasi ahaayeen wiilal iyo gabdho xeebta u tagay in nasiino iyo jawi qaadasho maadaama ay aheyd Jimco, waxaana halkaasi ugu tagay oo nafta u aqoonsaday koox arxandaran.

Dhanka kale, dadka Liido xalay lagu laayay waxaa ku jira lamaanayaal dhawaan aqal galay, kuwa muddo kala maqnaa oo isku yimd waqti aan dheereen iyo sidoo kale labo wiil oo walaalo ahaa oo mid kamid ah dhawaan dadka dalka dibadiisa kasoo laabtay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay intooda badan ahaayeen dhallinyaro da’dooda u dhaxeysay 20 ilaa 40 sanno, waxa ayna ahaayeen kuwa badankood iimaansaday oo dalkooda ku noolaa, kuwaa oo xalay manaxayaal dad Islaamka ku laayay xeebta Liido.

Guryo badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho waxaa saakay ka jira tacsi iyo murugo, isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho badankood waxaa jiifa oo lagu daweenayaa dad badan oo dhaawacyo qaarkood culus yihiin uu kasoo gaaray weerarkii xalay xeebta Liido ka dhacay.

Ugudambeyn, qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho badankood waxa ay galaaftaan nolosha dhallinyaro mustaqbal iyo hami fog lahaa, waxaana dhiigaasi si micnodarro ah u daadiya kuwa aan aqoon qiimaha dhiigga muslimka iyo cuqubada ka dhallan karta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News