Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah madasha ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, ayaa diiday in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku biiro madashooda, xilli la filayo in berri uu furmo shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka muddo kororsiga dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka oo ay isugu imaanayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa lagu wadaa inuu ka bilowdo Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka.
Hase yeeshee, madasha mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uusan ku jirin Farmaajo, ayaa si gaar ah uga qeyb geli doonta shirka, halka Villa Soomaaliya ay matali doonto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda hoggaamiya xisbiga Nabad iyo Nolol, waxaana uu sheegay inuu ka qeyb qaadanayo siyaasadda dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta ku jira Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ku biirista Farmaajo ee madasha mucaaradka ay wiiqi karto mowqifka iyo dooda ay mucaaradku ka leeyihiin arrimaha siyaasadda.

