MOGADISHU (Kaab TV) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn soo gabagabeysay kiiska Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj) waxaana ay aya ku ridday xukun adag.
Maxkamadda ayaa Sacdiyo Macallin oo ah gabar dhalinyaro ah ku xukuntay saddex sano xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Saalax Dabbaan. Kiiskan ayaa muddo soo socday, iyadoo Maxkamadda Gobolka ay ka yeelatay fadhiyo kala duwan, waxaana intii ay socotay maxkamadeynta lagu soo bandhigay caddaymo ay ku jiraan muuqaallo lagu dhex daawaday hoolka Maxkamadda, inkastoo ay qareennada iyo Sacdiyo Bajaaj qudheedaba ah ay iska difaaceen eedeymaha ay soo jeedisay Xeer Ilaalinta Qaranka.
Dhanka kale, mid kamid ah qareennada difaacayay gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid go’aanka adag ee maxkamadda, isaga oo tilmaamay in aysan ku qancin, isla markaana ay qaadan doonaan racfaan, si ay uu aadaan maxkamadda ka sarreeya ee Racfaanka Gobolka Banaadir, si mar kale loo furo kiiskeeda.
“Sacdiyo kuma qancin go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxayna isticmaashay go’aan adag oo laga baaqsan karay,” ayuu yiri mid ka mid ah qareennada uu dooday Sacdiyo Bajaaj.
Sacdiyo Macalin oo xireynd muddo 74 maalin ah ayaa hadda kusii jiri doonto xabsiga.
Gabdhahan oo caan ka noqotay baraha bulshada ayaa horay si wayn uga soo muuqan jirtay warbaahinta, waxaana sidoo kale marar badan ay ka qayb gashay kulamo ay qabteen mucaaradka oo looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

