Midowga Yurub oo sheegay inuu sugayo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashooyinka Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV)-Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saaraan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo jadwalka loo asteeyay, xilli wada-hadallada siyaasadeed ee Muqdisho ay galeen maalintoodii saddexaad.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in Soomaaliya ay galayso “marxalad siyaasadeed oo cusub”, iyadoo wada-hadallada socda ay diiradda saarayaan sidii looga gaari lahaa heshiis ku saabsan doorashooyin loo dhan yahay iyo kala-guur nabdoon.

“Wadahadalladu waxay ujeedkoodu yahay in lagu heshiiyo hannaan doorasho oo macquul ah, loo dhan yahay, islamarkaana codka haweenka iyo dhallinyarada laga dhex maqlo,” ayay tiri Danjiraha Midowga Yurub.

Waxay sidoo kale sheegtay inay rajeynayso in lasoo saaro bayaan wadajir ah oo ay ku cad yihiin jadwalka kala-guurka siyaasadeed iyo jihada doorashooyinka dalka.

Hadalka Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli ay Muqdisho ka socdaan kulamo u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayo muranka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka iyo hannaanka kala-guurka dowladda.

 

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa si dhow ula socda wadahadallada, iyadoo beesha caalamka ay ku boorineyso dhinacyada Soomaalida inay gaaraan heshiis laga wada qeybgalayo oo ka fogaada xiisad siyaasadeed iyo dib u dhac hor leh.

Fariinta Danjiraha Midowga Yurub ayaa sidoo kale muujisay walaaca ay qabaan saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam doorasho oo waafaqsan xaaladaha amni, dhaqaale iyo waqtiga jira, isla markaana horseeda xasilooni siyaasadeed.

Ilaa hadda, shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya natiijada kasoo baxda wada-hadallada Muqdisho, kuwaas oo loo arko kuwo go’aan ka gaari kara jihada siyaasadeed ee dalka iyo nooca doorashooyinka la filayo inay dhacaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News