MUQDISHO (Kaab TV) -Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo howlgalada badeed ee ka socda xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, iyagoo ka gaabsaday inay go’aan ka gaaraan taageero militari oo toos ah oo ay siiyaan Mareykanka, iyadoo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay sii kordheyso.
Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray shir madaxeedka EU-da ayaa lagu sheegay in la kordhin doono maraakiibta iyo qalabka howlgalka EU Naval Force Atalanta ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale howlgalka Operation Aspides ee ka socda Badda Cas.
Si kastaba, Midowga Yurub ma uusan ballaarin awoodda howlgaladan si ay uga hawlgalaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, inkastoo arrintaas horey loo soo jeediyay.
Bayaan-ka ayaa si guud u cambaareeyay falalka carqaladeeya xorriyadda maraakiibta, gaar ahaan kuwa saameeya isu-socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah, balse ma uusan xusin wax taageero militari oo cusub oo loo fidinayo Mareykanka.
Hoggaamiyeyaasha EU-da ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay joojiyaan weerarada lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah sida tamarta iyo biyaha.
Waxay si gaar ah u cambaareeyeen weerarada militari ee Iran, iyagoo mar kale adkeeyay in Tehran aan loo oggolaan doonin inay hesho hub nukliyeer ah.

