Odayaal ka soo jeeda beelaha Jareer Weyne ayaa dhowaan la kulmay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho, si ay dhex dhexaadin uga dhex sameeyaan mucaaradka iyo dowladda oo isku haya muddo kororsiga uu sameystay Xasan Sheekh Maxamuud.
Ka dib kulankii mucaaradka waxay odayaashu sheegeen inay isku dayeen inay la kulmaan Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee madaxtooyada ay diiday inay la kulanto.
Kulanka odayaasha ayaa yimid dagaalkii horraantii bishii June ka qarxay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac ka dib dagaalkii dhex maray ciidamada mucaaradka iyo ciidamada dowladda ee taabacsan Xasan Sheekh.
Suldaan Dhiire oo ka mid ah odayaashaasi ayaa ka warramay caqabadda ay kala kulmay Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay inay weli rajo ka qabaan inay dhinacyada la wada kulmaan.

