GAROOWE (KAAB TV) – punMaamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii maanta ka soo baxay dowlada Somalia ee lagu eryey danjirihii Itoobiy u joogay Muqdisho, lagu amray iney xirto qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa ee Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Sidoo kale, dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan diblomaasiyad ahaan saameynaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyado ay Itoobiya lahayd, safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare ay fartay inuu 72 saac gudahood dalka kaga baxo.
Dhanka kale, qunsuliyadaha ayaa la faray in 7 maalmood gudahood lagu xiro, ayadoo safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa-na dib loogu yeeray inuu Muqdisho ku soo laabto.
Talaabadan ayaa timid ka dib marki Itoobiya iyo wafdi ka socda Puntland ay ku kulmeen Addis Ababa, ayagoo ka wadahadlay “xiriirka u dhaxeeya labada dhinac”.
Puntland ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayadoo ka carootay ansixinta qodobadii wax laga beddelay ee dastuurka, waxayna sheegtay inay “si madax banaan” hawlaheeda u qabsan doonto, caalamkana sidaa ula macaamili doonto.
Ugudambeyn, Puntland ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayadoo ka carootay ansixinta qodobadii wax laga beddelay ee dastuurka, waxayna sheegtay inay “si madax banaan” hawlaheeda u qabsan doonto, caalamkana sidaa ula macaamili doonto.

