GAROOWE (Kaab TV) – Dowladda Puntland ayaa maanta daahfurtay kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah kaasoo dowladda iyo dadkeeda ay uga tashanayaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda iyo qorshayaasha horumarinta dalka.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta xukuumadda oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay qorsheyaasha hortebinta u leh xukuumadda 2024-2029, iyadoo Dadweynaha fursad loo siiyey in ay ku biiriyaan wixii tallo iyo su’aalo ah.
Madasha waxaa mudnaanaha hortebinta u leh xukuummadda 2024-2029, kusoo bandhigay afar guddi oo ka kooban Golaha Xukuumadda kuwaasi oo kala ah:- Guddiga Maamul wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga, Guddiga horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha , Guddiga horumarinta wax-soosaarka iyo Guddiga horumarinta Arrimaha Bulshada.
Guddiyadan ayaa la sheegay in la dhisay ka dib kulan muddo toddobaad ah socday oo dowladda hay’adeheeda kala duwan yeesheen dhowaan.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo sida furan ee bulshada iyo Dowladdu tallooyin iyo su’aalo isu weydaarsadeen, wuxuuna kula dardaarmay dadweynaha Puntland dal iyo dibadba in laga shaqeeyo midnimada, wadajirka iyo horumarka Puntland.
DOWLAD GOONI AH
Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay kulanka dadweyne maanta ayaa ku celiyay go’aankii Puntland ee ahaa inay gooni ahaan ugu dhaqmayaan maamulkooda, ayna arrimaha gaarka u ah Puntland gooni uga shaqeyneyso illaa inta laga helaayo nidaam federaal iyo dastuurkii dalka oo dib loogu soo noqonaayo.
Puntland ayaa go’aankan hore ugu dhawaaqday dhammaadkii bishii March 2024 ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay bedddeshay qeybo ka mid ah Dastuurka dalka.

