Garawe(Kaab TV)- Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcad badeedda oo muddooyinkii dambe weerarro ka fuliyay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.
Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Kooxahaas Burcad Badeedda ah kuwaas oo ay ku qabatay Gobolka Bari, waxa ay tilmaamtay in lala xisaabtami doonno si looga hortago falalka amniga liddiga ku ah ee dhinaca Badda ay ka wadaan.
Taliska qaybta Booliiska ee Karkaar ayaa sheegay in uu gacan adag ku qabanayo dadka la shaqeeya Kooxaha Burcad Badeedda, waxa uu digniin culus u diray ehelka Dadkaas oo uu xusay in haddii la qabto Maxkamad lasoo taagi doonno.
Booliiska ayaa intaas ku daray in weerarrada intooda badan ay fuliyaan Kooxaha Burcadda ah inay ku beegsadaan Maraakiibta u socota Puntland, waxa uu bannaanka soo dhigay cabsi la xiriirta in ay joogsan karaan Maraakiibtaas sababo la xiriira cabsi ay muujinayaan.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku goodisay in ay Dhul iyo Bad kala dagaalamayso Kooxaha Burcad Badeedda ee dib usoo celiyay weerarrada iyo afduubka ay ka gaysanayaan Badda Cas, kuwaas oo marka ay qabsadaan Maraakiibta la aado dhinaca xeebaha Maamulkaas.
Weerarada burcad-badeedda Soomaaliya ayaa si muuqata u soo kordhay bilihii iyo sanadkii u dambeeyay, kadib muddo ay hoos u dhaceen iyada oo wacan tahay inay kooxaha burcad badeeda dib usoo nooleeyay sababo ay ka mid yihiin amni xumo iyo xasilooni darro ka jirta xeebaha Soomaaliya, maraakiibta caalamiga ah oo yareeyay ilaalada badda, iyo sii socoshada kalluumaysi sharci darro ah iyo cabashooyin dhaqaale oo ay qabaan bulshada xeebaha ku nool ee Soomaaliya.
Kooxo hubeysan sida kooxda Al-Shabaab ayaa iyaguna ka faa’iideysanaya xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay iyaguna gacan saar la yeesheen kooxaha Al-Shabaab iyo burcad badeeda si ay dhaqaale uga sameeyaan afduubyada iyo ujeeddooyin siyaasadeed uga gaaraan.
Hay’adaha caalamiga ah iyo ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa dhowr jeer ka digay in kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ay dib isu abaabulayaan, gaar ahaan xeebaha bari ee Puntland iyo badweynta Hindiya.
Sidoo kale, weerarada ay kooxaha Xuutiyiinta ku hayaan maraakiibta maraysa Badda Cas ayaa sababay in maraakiib badan ay maraan waddooyin kale oo u dhow xeebaha Soomaaliya, taasoo kordhisay fursadaha ay burcad-badeeddu ku bartilmaameedsadaan maraakiibtaas.
Waxaa jira walaac ah in haddii aan si adag looga hortagin, burcad-badeeddu ay dib ugu noqon karto khatar weyn oo saameysa ganacsiga badda iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

