MUQDISHO (Kaab TV) -Qaramada Midoobay ayaa qiimayn ku samaynaysa Xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya, wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee arrimaha Gargaarka aadanaha ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay wafdigaan oo dalka joogaya ilaa 1da May isla markaana booqnaya meelo ay kamid tahay Baydhabo.
Xaalado ka dhashay Abaarta dalka ku dhufatay iyo daadadka roobka haatan ka da’ayo qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa saamayn taban ku reebay kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo u baahan in la gacansiiyo sida hadalka loo dhigay.
Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in cunno la’aan iyo duruufo adag oo kala duwan in ay ka jiraan qaybo kamid ah Soomaaliya loona baahan yahay in laga qaybgalayo badbaadinta Dadkaas dhibaatooyinka wajahaya.

