Garawe (Kaab TV) -Kooxda Daacish ayaa fulisay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom ee ka howlgasha Puntland.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis iyo laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland. Sidoo kale, hal askari ayaa dhaawac culus soo gaaray, iyadoo la sheegay in xaaladdiisu ay halis tahay.
weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli shirkadda Golis ay wadday dadaallo ay dib ugu soo celinayso adeegyada isgaarsiinta ee deegaannada Calmiskaad, kaddib markii qaraxyo hore ay Daacish ku burburisay xaruntii isgaarsiinta ee Sheebaab.
Weerarkan ayaa loo arkaa kuwo ay kooxda ku muujinayso inay weli saameyn ku leedahay deegaannada buuraha Calmiskaad, inkastoo saraakiisha Puntland ay hore u sheegeen in awoodda kooxda si weyn loo wiiqay.
Dhacdadan ayaa sidoo kale ku soo aadaysa iyadoo dhowaan duqeymo lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada Daacish, kuwaas oo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarro qaraxyo iyo jidgooyooyin isugu jiray.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku adkeysanaya in howlgalka ka dhanka ah kooxda uu weli socdo, iyadoo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu sheegay in dib loo xoojin doono dagaallada ka socda Calmiskaad si gebi ahaanba loo soo afjaro kooxda.

