Muqdisho (KAAB TV) – Qarax nuuca miinada lagu aaso hareeraha waddada ayaa xalay ka dhacay laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel u dhaw xarunta degmada, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, dad goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino uu haleelay gaari ay wateen ciidamo katirsan booliis milataaro, waxaana qaraxa la sheegay in askartii lala eegtay uu kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray askar kale oo katirsan ciidanka booliisa milataaro , kuwaa oo u gurmaday ciidankii goobtaasi lagu qarxiyay, waxa ayna halkaasi ka qaadeen askartii dhimashada iyo dhaawaca uu qaraxu kasoo gaary.
Dhanka kale, ciidanka booliisa milataaro ayaa la sheegay in goobta qaraxa ka dhacay ku dileen nin shacab ah oo ahaa wade mooto bajaaj, ninka la dilay oon war ka heyn goobta qaraxu ka dhacay ayaa rasaas waxaa ku furay ciidankii goobta joogay.
Qaraxyada miino ee lala eeganayo ciidanka booliisa milataare ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, maalmo kahor ayaana qarax miino sidaan oo kale loogu weeraray gaari ay lahaayeen booliisa milataaro oo marayay degmada Kaxda.

