Qashin Farabadan oo Dhooban Ifka Xalane ilaa Iridda Galbeed ee Stadium Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Inta u dhexeysa Ifka Xalane iyo iridda galbeed ee laga galo Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho, gaar ahaan dhanka woqooyi, waxaa dhooban qashin badan oo u muuqda in ay halkaas ku shubeen gaadiidka qashinka qaada, Gaari-dameero iyo dad shakhsiyaad ah.

Waxaa arrinta ka sii daran in dhowr mitir uun halkaas ay deggan yihiin ciidamo ka tirsan qaybaha kala duwan ee amniga dalka, kuwaas oo mas’uul ka ah ilaalinta dadka iyo deegaanka.

wasaqda halkaas taalla waxay si toos ah u saameyneysaa dadka ku nool agagarka ama maraya albaabka Stadium Muqdisho, waxana ku qasbsntahay in aa neefta celiso hadii aad halkaas mareeyyso sababo la xiriira urka iyo wasakhda faraha badan.

Ilaalinta deegaanka waa mas’uuliyad wadareed ,qof walba waxa uu leeyahay door muhiim ah sida.

1- Maamulka degmada waa in uu si joogto ah u nadiifiyaa, u kormeeraa, ugana hortagaa ku-tuurista qashinka meelaha aan loogu talagalin.

2- Ciidamada halkaas deggan waa in ay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta deegaanka ay ku dhex nool yihiin oo so xereen dadka sida joogtadaha ah qashinka ugu so shubo .

3- Bulshada waa in ay ka hortagtaa ku shubista qashinka wadooyinka iyo goobaha dadweynaha.

Qashinka halkaas yaalla ma aha oo kaliya arrin muuqaal xumo ah leh ee waa khatar caafimaad, waa sumcad darro, waana mas’uuliyad la’aan. Waxaa la joogaa waqtigii maamulka degmada, ciidamada deegaanka ku sugan, iyo bulshada inteeda kale ay si dhab ah u qaadan lahaayeen ilaalinta nadaafadda albaabada iyo agagaarka Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News