MUQDISHO (Kaab TV) -Qiimaha Shidaalka ayaa sare u kacay 3% kaddib markii Maraykanka & Iiraan ay is dhaafsadeen Duqaymo culus oo sababay in uu joogsado isu socodka Maraakiibta shidaalka qaadda ee 20% marta marinka Hormuz sida hadalka loo dhigay.
Fuustada Shidaalka Cayriinka ah ayaa gaartay $76 oo u dhiganta (£56.88) waana qiimo ka badan lacagtii shalay la kala siinayay maadaama xasiloonadii ay isu baddeshay colaad isla marka markaana uu joogsaday isu gudubka Marinka Hormuz.
Waxaa sii kordhay walaaca laga muujinayo duqaymaha ay is dhaafsanayaan Maraykanka iyo Iiraan waxaana loogu baaqay in ay joogaan colaaddaas oo saamayn taban ku reebtay xasiloonida dalal badan oo Bariga Dhexe dhaca.

