Qoorqoor oo shaaciyey inuu ka haray tartanka doorashada Galmudug

|

Dhuusamareeb(Kaab TV) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tanaasulay ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa go’aankan ku shaaciyey munaasabaddii xuska 26-ka Juun oo habeenkii xalay lagu qabtay Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo marti sharaf kale.

Go’aanka Madaxweyne Qoorqoor ayaa yimid kaddib wada-hadallo maalmo socday oo dhexmaray isaga iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, oo la sheegay inuu wakiil ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa tilmaamaya in kulamadaasi diiradda lagu saaray mustaqbalka siyaasadda Galmudug iyo sidii doorashadu ugu dhici lahayd is-afgarad, taasoo ugu dambeyn horseeday in Qoorqoor lagu qanciyo inuu ka tanaasulo tartanka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu taageersan yahay in xilka Madaxweynaha Galmudug loo doorto Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), oo ah ganacsade kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ka haritaanka tartanka ee Madaxweyne Qoorqoor ayaa si weyn u beddeli kara jihada siyaasadda Galmudug, maadaama uu ahaa musharraxa ugu miisaanka weyn ee la filayay inuu mar kale u tartamo xilka. Go’aankiisa ayaa sidoo kale fursad u abuuri kara musharrixiin cusub oo doonaya hoggaanka maamulka.

Qoorqoor ayaa xilka Madaxweynaha Galmudug hayey toddobadii sano ee la soo dhaafay, isagoo noqday madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee soo mara tan iyo markii la aas-aasay. Intii uu xilka hayey, waxaa la hirgeliyey mashaariic kala duwan oo la xiriiray dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta amniga, dib-u-heshiisiinta beelaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka Galmudug ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taageerayaashiisa ayaa ku tilmaama inuu yahay hoggaamiye door muuqda ka qaatay xasilinta deegaannada Galmudug iyo dhismaha maamulka, halka dhaliilayaashiisuna ay qabaan in weli ay jiraan caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada ah oo u baahnaa in wax badan laga qabto.

Go’aanka uu kaga haray tartanka ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara doorashada soo socota iyo isu dheellitirka awoodda siyaasadeed ee Galmudug.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News