R/Wasaare kuxigeenka dalka oo baaq udiray ganacsatada iyo dadka waxa heesta

|

Muqdisho (KAAB TV) – R/Wasaare kuxigeenka Somalia Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta markale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaag umuujiyaan walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay Roobabkii iyo fatahaadihi.

Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa si gaar ah ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo maadaama ey gaadiid cirka tahay diyaarada sikalana aan gurmad lagu gaarsiin karin walaalahaas dhibaateysan.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in fatahaadaha kadhashay Roobabka ka da’ay qeybo kamid ah dalka uu saameyn weyn kuyeeshay dad kudhow hal malyan oo qof, kuwaas oo guryohooda kabarakacay eyna wajahayaan xaalado adag.

Saalax Jaamac ayaa sheegay in ey jiraan halis iyo cabsi weyn laga qabo in maal maha nasoo aadan magaalooyinka uu maro Wabiga Shabeelle sida magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

R/Wasaare kuxigeenka Somalia ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heesta in ay gacan ka geestaan u gurmashada walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay roobabka daadaka xooggan wata ee dalka qeybo kamid ah ka da’ay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News