MUQDISHO (Kaab TV)-Dowladda Ruushka ayaa qorsheyneysa inay gargaar cunto soo gaarsiiso Soomaaliya si loo taageero bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA).
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti Mikhail Golovanov, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya.
Sida ay SoDMA sheegtay, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray isku dubbaridka gargaar cunto oo Ruushku qorsheynayo inuu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada gargaarka bani’aadantinimada iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyay taageerada Ruushka ee Soomaaliya, gaar ahaan howlaha gurmadka degdegga ah iyo taageerada bani’aadantinimo.
Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in malaayiin Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani’aadantinimo, iyadoo isdaba-joogga abaaraha, daadadka, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada ay si weyn u wiiqeen noloshii dadka iyo wax-soo-saarkii beeraha iyo xoolaha.
Ruushka ayaa horey sanadkii 2023 Soomaaliya ugu deeqay 25 kun oo tan oo raashin ah kadib daadadkii xooganaa ee la xiriiray El Niño.

