Sacdiya Bajaaj oo dalbatay in si degdeg ah loo dhageysto racfaankeeda

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ahayd gabadh ku shaqeysan jirtay gaadiidka Bajaajta, ayaa warqad ay ka soo dhex qortay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ku dalbatay in si degdeg ah loo dhageysto racfaankeeda, iyadoo sheegtay in xukunka saddexda sano ee lagu riday uu yahay mid ka dhashay aragtideeda siyaasadeed ee nabdoon.

Sacdiyo Bajaaj, oo ah hooyo leh ilmo 12 bilood jir ah , ayaa sheegtay in ilmaheedu u baahan yahay daryeel joogto ah. Waxay intaas ku dartay in qareennadeedu maxkamadda horgeeyeen in xaaladda ilmaha iyo waajibaadka hooyonimo ay mudan yihiin in si gaar ah loo tixgeliyo.

Waxay sidoo kale sheegtay inay la nooshahay cudurka neefta (asthma), isla markaana aysan helin daryeel caafimaad oo ku filan tan iyo markii la xiray. Sidaas darteed waxay codsatay in loo oggolaado baaritaan caafimaad oo madax-bannaan iyo daaweynta ay u baahan tahay.

Sacdiyo ayaa la xiray 12-kii Abriil 2026, waxaana loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho laba maalmood kaddib. 25-kii Juun, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, iyadoo sheegtay in lagu helay dambiyada lagu sheegay “aflagaadeynta hay’adaha dowladda” iyo “kicinta fal dambiyeed”, kadib muuqaallo ay ku dhaliilaysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qoyskiisa oo ay ku baahisay baraha bulshada.

Warqaddeeda ayay ku sheegtay in aysan qiran wax dembi! ah, isla markaana aysan marnaba aqbalin eedaha loo jeediyay. Waxay ku doodday in xuquuqdeeda dastuuriga ah lagu tuntay, islamarkaana awoodda dowladda loo adeegsaday in lagu ciqaabo fikradaheeda.

Sacdiyo waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay habkii loo maareeyay dacwadeeda, iyadoo tilmaantay in garsoorihii markii hore loo xil saaray dacwadda laga beddelay, dabadeedna guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu isagu noqday garsoorihii xukunka ku riday.

Waxay si cad u sheegtay inaysan doonayn cafis madaxweyne, maaddaama aysan isku arkin dambiile. Halkii ay cafis dalban lahayd, waxay codsatay racfaan madax-bannaan oo dib u eegis ku sameeya caddaymaha, habraacyadii maxkamadda iyo saldhigga sharci ee xukunkeeda.

Warqaddeeda waxay ku soo bandhigtay dalabaad ay ka mid yihiin in racfaankeeda si degdeg ah loo dhageysto, in garsoore madax-bannaan loo magacaabo, in qareennadeeda loo oggolaado inay helaan dhammaan galka dacwadda, in loo helo daryeel caafimaad oo degdeg ah, isla markaana la tixgeliyo danaha ilmaheeda yar.

Waxay sidoo kale codsatay in dhageysiga racfaanka loo furo dadweynaha haddii sharcigu oggol yahay, isla markaana garsoorka laga ilaaliyo saameynta ka timaadda baraha bulshada iyo cadaadiska siyaasadeed.

Dhanka kale, Sacdiya ayaa ugu baaqday taageerayaasheeda inaysan kiiskeeda u adeegsan colaado qabiil, aflagaado ama aargoosi. Waxay sheegtay inay diiddan tahay in magaceeda lagu dhaawaco dad kale ama qoysas kale.

Waxay sheegtay in muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay dhaliilaan dowladda, ka hadlaan shaqo la’aanta, musuqmaasuqa, saboolnimada iyo fursadaha aan sinnayn. Waxay ku adkaysatay in sharciga aan loo adeegsan cabburinta dadka aragtidooda cabbira.

Sacdiyo ayaa ugu dambayn ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed, qareennada, culimada, saxafiyiinta iyo ururrada xuquuqda aadanaha inay difaacaan xaqa qof kasta u leeyahay maxkamadeyn caddaalad ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News