Sacdiyo Bajaaj oo markii labaad berito la horgeyn doono maxkamadda

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj oo ah gabar bajaajta ku shaqeysata oo in ka badan labo bilood ku jirta xabsiga Muqdisho ayaa lagu wadaa in berito la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Waa markii labaad oo la geeyo maxkamadda.

Qareenada iyo qoyska Sacdiyo ayaa Kaab TV u sheegay in Sacdiyo Bajaaj berito ay wajihi doonto eedeymo wax laga soo bedelay oo ay keentay xeer ilaalinta, kuwaas oo toddobaadkii hore dib loo celiyay.

Toddobaadkii hore, garsooraha maxkamadda ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay Sacdiyo Bajaaj oo ahaa labo eedood, kuwaas oo kala ahaa “aflagaadeynta hay’adaha dowladda” iyo “kicin”.

Garsoorihii kiiskan qaadayay ayaa toddobaadkii hore la bedelay, waxaana wararka Kaab TV uu heley ay sheegayaan in garsoore lagu magacaabo Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan) oo ay qaraab yihiin Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud lagu qoray kiiska, taas oo dad badan ay ka muujiyeen walaac weyn.

Dhallinyarada ku nool Muqdisho ayaa galabta qabtay shir saxaafadeed ay ku dalbanayaan in Sacdiyo deg deg loo siidaayo, waxayna si gaar ah ugu eedeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku lug leeyahay xarigga Sacdiyo ee weli sii socda.

Sacdiyo Bajaaj ayaa la xiray 12 Abriil ka dib markii ay muuqaalo ay duubtay, kuna faafisay internetka, ay uga hadashay dhaliilo ay u jeedisay Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa.

Waxay muuqaaladaasi kaga hadashay musuqa iyo ku takrifalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Sacdiyo ayaa bishii Maarso ka qeyb qaatay mudaaharaadyo ay dhigayeen bajaajleyda Muqdisho kuwaas oo ka cabanaayey qiime kororka shidaalka ka dib dagaalkii Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News