Safiirkii Midowga Yurub oo fariin macsalaamayn ah u reebtay shacabka Soomaaliyeed

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Safiirkii Midowga Yurub u fadhiyay Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sagootisay dalka, iyadoo uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii taageeray howshii ay ka waday Soomaaliya.

Francesca Di Mauro ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay muddadii ay ka shaqeysay Soomaaliya, iyadoo xustay kartida iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed.

“Maadaama aan ka safrayo Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan intii taageertay howshaydii aan ka waday dalkan quruxda badan, oo ay ku nool yihiin rag iyo dumar karti badan,” ayay tiri Di Mauro.

Waxay sidoo kale bogaadisay adkeysiga iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay Soomaaliya nabad, xasillooni iyo horumar.

“Waxaan aad ula dhacay adkeysigiinna iyo go’aankiinna. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa nabad, xasillooni iyo barwaaqo,” ayay ku dartay.

Intii ay xilka haysay, Safiir Francesca Di Mauro waxay ka shaqeysay xoojinta xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta, taageerada hay’adaha dowladda iyo arrimaha siyaasadda.

Midowga Yurub ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ugu muhiimsan Soomaaliya, isagoo taageero ka siiya howlaha dib u dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News