MUQDISHO (Kaab TV) – Suuqyada lagu iibiyo xoolaha ciidda ee magaalada Mogadishu ayaa laga dareemayaa sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha ariga la qalo munaasabadda Ciidul Adxaa, iyadoo ganacsatada iyo shacabka ay sheegayaan in abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ay si weyn u saameeyeen suuqyada xoolaha.
Suuqa Dayax oo kamid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu kala iibsado xoolaha ayaa noqday meel si weyn looga dareemayo kororka qiimaha, iyadoo neefafka qaar lagu kala iibsanayo lacag u dhexeysa 190 illaa 350 oo dollar, halka qaar kale ay gaareen ku dhowaad 400 oo dollar.
Ganacsatada suuqa ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo qiimaha arigu gaaro heerkan sare.
“Xaaladda suuqa aad bay isu beddeshay, Abaarihii daba dheeraaday iyo lacagta oo yaraatay ayaa sabab u noqday in xooluhu qaali noqdaan,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada xoolaha ee Suuq Dayax.
Ganacsatada ayaa sidoo kale tilmaamay in roob yari iyo daaq la’aan ay hoos u dhigeen tirada xoolaha caafimaadka qaba ee la keeno suuqyada Muqdisho, taas oo sare u qaaday qiimaha neefafka loo iibsanayo udxiyada.
Qaar kamid ah dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha ciidda ayaa sheegay in kororka qiimaha uu culeys dhaqaale ku yahay qoysas badan, gaar ahaan xilli ay jiraan duruufo nololeed oo adag iyo sicir barar saameeyay adeegyada aasaasiga ah.
“Neefkii hore loo iibsan jiray 150 dollar maanta wuxuu marayaa in ka badan 250 dollar,” ayuu yiri mid kamid ah dadka suuqyada ka dukaameysanayay.
Sare u kaca qiimaha xoolaha ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin munaasabadda Ciid al-Adxa, xilli qoysas badan oo Soomaaliyeed ay isku diyaarinayaan gudashada waajibaadka udxiyada.

