Senator Ted Cruz oo sheegay in Trump uu Somaliland aqoonsan karo ka hor inta aanu xilka ka dagin

|

Washington (Kaab TV) -Senator Ted Cruz ayaa muujiyay kalsooni xooggan oo uu ku qabo in Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland ka hor inta aanu dhammaan muddadiisa xilka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, lakiin sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha oo u jawaabay Cruz ayaa sheegay in Washington ay wali aaminsanahay midnimada Soomaaliya, lakiin ay xoojinayso xidhiidhka Somaliland.

Senator Cruz oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in Somaliland ay door muuqda ka qaadato sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, isla markaana ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.

Waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay xidhiidh dhow la leedahay Taiwan iyo Israel—oo ka mid ah saaxiibada istaraatiijiga ah ee Maraykanka—taas oo uu sheegay in ay sii kordhinayso muhiimaddeeda juqraafi iyo mid siyaasadeed ee gobolka.

Cruz ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Maraykanka u diray warqad uu kaga codsanayo in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi uu Shiinaha ka cadhaysiiyay, oo Baijing ay si deg deg ah uga soo jawaabtay, taas oo uu ku fasiray in ay muujinayso muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay tartanka quwadaha waaweyn ee gobolka.

Dhanka kale, Nick Checker oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in Washington ay weli aaminsantahay siyaasaddeeda ku salaysan midnimada Soomaaliya, balse ay sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, maadaama ay tahay saaxiib muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaara xasilloonida gobolka.

Senator Cruz ayaa sidoo kale wax ka weydiiyay suurtagalnimada heshiis difaac oo u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, hase yeeshee sarkaalkaasi ayaa sheegay in arrintaasi u baahan tahay qiimayn dheeraad ah. Si kastaba, Cruz ayaa ku adkaystay in Somaliland ay noqon karto saaxiib istaraatiiji ah oo xoojiya awoodda Maraykanka ee Geeska Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News