Dagaallo u dhexeeyay maleeshiyaadka beelaha Biyamaal iyo Habargidir, oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa dib uga qarxay deegaannada hoos yimaada degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ka taagan yahay muran ku saabsan lahaanshaha dhul beereed, sida ay sheegeen odayaal ka tirsan labada dhinac.
Khamiistii 9kii July, ayaa odayaal iyo haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda Biyamaal waxay mudaaharaad ka dhigeen aagga KM50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka jeediyeen cabasho ku saabsan in beelaha Hawiye – gaar ahaan Habargidir iyo Abgaal – ay duulaan ku soo qaadeen deegaanadooda.
“Waxaa weerar lagu yahay dhul beereedkii Biyamaal, dhulkii aan lahayn ee qubuuraha awoowayaasheen ku yaaleen, oo ceelasheenna ku yaallaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha oo magaciisa ku soo koobay Cabdiraxmaan.
Mudaaharaadka ka dhacay KM50 waxay Biyamaalka ku soo banhigeen kutubo Quraanka Kariimka iyo qoryo gacmeedyo, iyaga oo ku goodiyay in kooxaha dhul boobka wada haddii Kitaabka Quraanka uu celin waayo, ay isaga dhicin doonaan qiriga AK47.
Koox dhul boob lagu eedeeyay oo la qabtay
Mudaaharaadka ka dhacay KM50 wuxuu yimid labo maalin ka bacdi markii maleeshiyaad ka soo jeeda qabiilka Biyamaal, ay deegaanka KM50 ku qabteen dhowr qof oo ay sheegeen inay ka mid yihiin koox dhul boob waday, oo ay ku jireen rag ajnabi ah oo cabbirka dhulalka yaqaana.
Kooxda la qabtay oo watay baabuur yar, matoor kuwa korontada ah iyo qalabka cabbirka dhulalka ayaa lagu soo bandhigay KM50 maalintii Arbacada ee 8 July 2026.

Odayaasha Biyamaal ayaa sheegay in shakhsiyaadka ay qabteen ay doonayeen inay dhul ka cabbirtaan deegaanada loo yaqaano Deexda ee u dhexeeya Marko, KM50 illaa xeebta deegaanka Jasiira iyo Gendershe oo ah dhul dhowaanahan la sheegay in la doonayo in la boobo.
Dagaalka Jannaale
Colaadda u dhexeya Biyamaal iyo Habargidir oo salka ku haysa beeraha mooska ee Jannaale ayaa ku fiday tuulooyin hoos yimaada Jannaale.
Dadka deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in dagaalkan oo bilawday 4 July uu socday saddex maalmood oo isku xigtay taasoo sababtay in maleeshiyaadka Biyamaal oo ka jawaab celinaya weerar kaga yimid maleeshiyaadka Habargidir ay gubeen beero moos oo ku yaalla aagga Jannaale.
Odayaal ka tirsan beesha Habargidir ayaa dhankooda sheegay in beero ay deegaanka ku lahaayeen lasoo weeraray, laguna dilay saddex ruux.
Iska hor imaad maleeshiyaadkan u dhexeeya ayaa markale ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Jannaale iyo Magaalada Marka – oo ah xarunta gobolka Shabeellaha Hoose 6 July 2026.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin dagaalkan u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed oo adeegsanaya hubka fudud iyo gaadiid ay ku rakiban yihiin qoryaha boobayaasha ah.
Dhanka kale, ilo wareedyo ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in odayaasha Biyamaal iyo Habargidir ay si kala gooni gooni ah ugu dacwoodeen kooxda Al-Shabaab si ay u kala dhex galaan ka dib markii dowladda Soomaaliya ay kala dhex geli weysay.
Dagaalka ayaa sababay in beeraleyda Jannaale iyo dadka ganacsiga u taga deegaanka ay si nabad ah ku tagaan dhul beereedka amni darrida darteed.

